Home arrow News in Somali
Somali fighters capture Kismayo 27 Aug 08
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:316
Date:02-09-2008
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:688
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:117
Date:15-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 05 2008
Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xoogagga Maxkmadaha oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan
Written by Ali Moallim   
Saturday, 05 July 2008

Sawirka Muuqaalka Nin Qori Baasuuke ah WataFere Feer,(insidesomalia.org)- Xoogagga Makamadaha Islaamiga ayaa saaka waxaa ay weerar u qaadeen kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday dhinaca Degmada Feer-feer xilli ay marayeen halka lagu magacaabo Baar kuul oo ah tuulo u dhaxeysa Kalabeyr iyo Degmada Feer-feer.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay oo ku hubeysnaa ilaa 8 Gadiidka dagaalka  ayeey wararku sheegayan in muddo ku dhan hal saac dagaal culus la galeen Xoogagga Maxkamadaha, lakiin ilaa hada ma 'jiraan warar faah faahsan oo ka hadlaya khasaaraha Dagaalka Saaka dhacay, waxaana warku intaa ku darayaa in Ciidamada Itoobiyaanku dhaafeen goobtii uu dagaaku ku qabsaday.

Dagaalka saaka ka dhacay halka lagu magacaabo Baar Kuulow ayaanan filaneyn Ciidamada Itoobiyaaku, maadaama goobta lagu dagaalamay ay wax xoogaa u jirto Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Cabdiraxiin Ciise Caddow oo u hadlay Xoogagga Makamadaha Islaamiga ayaa sheegay in dagaalka saaka dhaxmaray Ciidamada Makamadaha Islaamiga iyo kuwa Itoobiya ku gubeen labo ka tirsan Gadiidkii ay wateen Ciidamada Itoobiya, isaga oo intaa ku daray  suurta galnimada in qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiyaanku ku dhinteen Dagaalka.

Maalmihii aynu soo dhaafnay qeybo ka mid ah Goballada dhaxe ee dalka Soomaaliya waxaa ka jiray dagaalo u dhaxeeya Ciiidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha inkastoo ugu danbeytii Ciidamada Itoobiyaanku soo gareen Xerada Jate-kuundisho oo ah saldhiga rasmiga ah ee Itoobiyaanku ku lee yihiin Gobalada dhaxe.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >